Gudoomiyaha ay u doorteen ururka Mideeye guddoonka Boosaaso oo si kulul uga hadlay xukuumadda Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Garabka uu hogaaminayo ururka Mideeye ee doorashada guddonka degmada Boosaaso ayaa maanta qabtay Shir Jaraa’id ay ku biyaaniyeen moqfkoodii ku aadan waxa ay ku tilmaameen boob uu wado madaxweynaha talada haaya ee Saciid Dani.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Boosaaso garabka mucaaridka, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac ayaa si kulul uga hadlay tallaabada uu qaaday Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Axmed Kulan kaas oo Guoddonka degmada Boosaaso ku wareejiyay xubnaha ay doorteen garabka ururka talada haaya.

“Waxa ka dhacay doorashadii Federaalka ayaa caddeyn u ah in ficilada Deni ay gud madow ku ridayso dimuqraadiyadda, waxa uu doonayana ay tahay Dhac qarsoon, boob, iyo kalitalisnimo.” ayuu yiri Jinac, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Deni in uu meel uga dhacay geedi-socodka hanaanaka dimuqraadiyadeynta Puntland.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay hadalkii Wasiiraka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ku sheegay in xiisada taagan lagu xallin doono wada hadal uu la-geli-doona dhamaan dhicyada isku heysta guddoonka degmada Boosaaso.

Jinac ayaa sidoo kale u balan qaaday shacabka ku dhaqan Boosaaso inay ku adkaysan doonaan barnaamijkan doorashada ah, kana codsaday Waiir Juxa inuu jawaab cad ka bixiyo tallabada uu qaaday Wasiiru-Dowlaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM