Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Image

GAROWE- Doorashada Afhayeenka Gollaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimco ah waxay ka qabsoontay magaalo madaxda Garowe, taasi oo ay ku tartameen illaa iyo Afar Musharax.

Musharaxiinta ayaa kala ahaa;

1. Abdi Hakiim Mohamed Ahmed [Dhoobo]

2. Abdi Rashid Yusuf Jibril

3. Abdi Rahman Ali Jibril

4. Abdi Jamal Osmaan Mohamed

Wareegga 1aad ee coddeynta waxaa ku haray Cabdiraxmaan iyo Cabdirashiid, markii ay helayn codad liita, iyadda ay usoo gudbeen wareega 2aad Cabdixakiin Maxamed iyo Cabdi Jamaal.

Xildhibaan Dhoobo ayay mudanayasha u doorteen Afhayeenka cusub ee Gollaha Wakiilada Puntland, isaga oo helay codad gaaraya 43 cod, halka Cabdi Jamaal uu urur-saday codad dhan 23.

Gudoomiyaha cusub ayaa tartanka uu u galey  inta uu kamid ahaa Barlamanka Puntland ayaa waxaa ay tahay markii Sadexaad. 

Cabdi Jamaal oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay natiijada cod-bixinta, isaga oo ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub guusha uu gaarey, wuxuuna kula dar-daarmay hufnaan shaqo.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka cusub Cabdi Xakiin Dhoobo oo farxad ka muujiyay labinta uu helay ayaa uga mahad-celiyay Sharci-dejiyaasha codka siiyay, isaga oo wacad ku maray inuu dastuurka ilaalin doono.

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM