Qarax lala eegtay gaariga gudoomiyaha maxkamada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Qarax culus ayaa saaka oo Sabti ah waxa uu ka dhacay banaanka maxkamada darajada koowaad ee magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala beegsaday gaariga gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee caasimada ganacsiga Puntland, Abuukar Cabdinaasir.

Ugu yaraan afar qof - laba ruux oo shacab ah, askari iyo gorsoore maxkamadeed - ayaa la ku dhaawacntay weerarkaasi oo aysan illaa iyo haatan jirin koox dusha saaratay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa tibaaxaya in dhibaneyaasha qaarkood ay liidato xaaladooda, maadaama waxyeelada soo gaartay ay tahay mid aad u daran tahay.

Abuukar ayaa xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa nan saarneen gudaha baabuurka, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka amaanka ah.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamaya in qaraxa uu sidoo kale geystay burbur soo gaarey dhismeyaal ka akdhowaa halka ay wax ka dhaceen, oo durba ay soo gaareen laamaha amaanka.

Bishii hore ayay ahayd markii Yuusuf Maxamed Waceys [Dhedo], gudoomiyaha gobolka Bari, uu ka badbaaday isku day dil markii qarax Miino lala eegtay gaari uu lahaa.

Ma jirin koox ilaa iyo haatan sheegatay dhacdadaasi, balse mas'uuliyiinta ayaa ku eedeeyay kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya degaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM