Gudoomiyaha TPEC oo "ka dhuuntay" bulshada gobolka Bari

Image
Kulankan waxaa qabanqaabisay dallada ururada bulshada rayidka ah Puntland ee PUNSAA.

BOOSAASO, Puntland - Kulanka looga hadlayay diiwaan-gelinta halka dhinac ah ee magaalada Boosaaso oo tiro aad u yar ay iska qoreen sida ay guddiga doorashooyinku xaqiijiyeen kaasi oo dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ku midaysan yihiin ee PUNSAA ay ku qabatay Boosaaso ayaa dhaliyay guux xoog leh.

Diiwaan-gelintaan ayaa waxaa qaadacay ururada siyaasadda ee Puntland ee Horseed, Mideeye, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha xoogsatadda ah ay qaadaceen waxayna ku tilmaameen mid hal dhinac ah oo xambaarsan muddo kororsi uu damacsan yahay madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo ku jira sanadkii u danbeeyay muddo xileedkiisa.

Gudoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo xubnaha kale ee guddiga oo looga bartay in kulamada barnaamijkaan looga hadlayo kasoo muuqdaan ayaan kulankan ka qayb gelin iyada oo u wakiishay ka qayb galkiisa Xoghayaha Guud ee guddiga Ubax Abshir.

Sidoo kale, TPEC ayaa ka baaqsatay baahinta doodihii madasha ka dhacay, su'aalihii iyo khudbadihii ka qayb galayaasha oo uu ku jiro gudoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ee PUNSAA, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.

Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago oo madasha ka hadlay ayaa afka ku balaariyay in ay doonayeen in ay kasoo qayb galaan qoladii "raashiman jirtay barnaamijka" wuxuuna caddeeyay in magaaladda Boosaaso aad loo caburiyay isla markaana aysan aqbalayn tirada la sheegayo in la diiwaan-geliyay.

"Magaaladu way cabursan tahay, anagu odayaal ahaan shir baanu isugu imaanaynaa mana ahan wax la aqbali karo sida wax u socdaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Shaqaalaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ay u direen Boosaaso ayuu nabadoon Xarago usoo jeediyay dhaliilo isaga oo ku qeexay "caruur iska ordaya oo Computero kharaabsan wata".

"Caruur iska ordaysa oo Computero kharaabsan wata ayaa loo soo diray magaaladda Boosaaso waxaa ka jira meesha qorshe xumo wayn ayaa ka jirta," ayuu ku nuux-nuuxusadey.

Dhalinyaradii madasha ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka jiraan "khaladaad badan oo indhaha laga qarsaday iyaga oo qaybtood ay soo jeediyeen in dib loo eego hanaankaan".

Gudoomiyaha PUNSAA, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan, ayaa wuxuu dhankiisa soo jeediyay in laga wadlo hanaankaan oo cid kasta la dhagaysto oo lala fariisto .

"Kalsoonida in la dhiso oo la wada fariisto waa muhiim, waxaan qabaa barnaamijkaan si uu u socdo oo la is qanciyo oo cid kasta la dhagaysto ayaan soo jeedinaynaa. Sidoo kale waxaan u baahannahay in la maqlo soo jeedimaha PUNSAA," ayuu ku taliyey.

Madasha Siyaasadda Puntland ee dhowaan looga dhawaaqay Garowe ayaa xustey in Deni markii uu ahaa wasiirka qorsheynta Soomaaliya usoo saaray diiwaan gelin bulshada Puntland dhibaato kasoo gaartay haatanna uu doonayo in uu gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu in lagu tilmaamo in ay ku nool yihiin dad boqol kun oo qof ka yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM