Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa doortay gudoomiye ku xigeenkoodii labaad kadib doorasho labo wareeg gashay oo ka qabsoontay xaruntooda magaalada madaxda Garowe, maanta oo Jimco ah.

Xilkaan oo ay ku tartameen afar Musharax, kuwaasi oo kala ahaa:-

XuseenYaasiin Xaaji Dheere

Cabdiramaan Diiriye Carab

Ismaaciil Maxamed Warsame

Saciid Maxamed Daahir

Wareega koowaad ee coddeynta, waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Diiriye, oo helay 11 cod, Ismaciil Warsame oo uruur-saday 33 cod, iyo Saciid Daahir oo ay ucodeeyeen 14 Xildhibaan.

Xuseen Yaasiin Xaaji Dheere ayaa gabi ahaanba isaga baxay tartanka markii uu helay codadka ugu hooseeyay, taasi oo aanan usuurtagelinaynin inuu soo baxo.

Guddiga doorashada ayaa amray in loo gudbo wareega labaad, taasi oo ugu dambeyntii uu guusha ku helay Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame, kaasi oo ay codka ugu shubeen 45 mudanayaal.

Tartamayaasha kale - Saciid Maxamed Daahir ayaa helay 14 cod, halka Cabdiraxmaan Carab ay codkooda siiyeen 7 sharcidejiyaal.

Ugu dambeyntii, Gollaha Wakiilada Puntland ayaa maanta waxay doorteen gudoon cusub - Gudoomiye Cabdixakiim Dhoobo - ku xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan - ku xigeenka labaad - Ismaaciil Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM