Hab-qeybsiga lagu xalinayo xiisadda PSF ee Boosaaso

Image
Hab qaybsigaan ayaa salka ku hayaa hubka iyo Hantida ma guurtada ah ee ay hay’dda PSF ee isticmaaleysay sanadihii la soo dhaafey.

GAROWE, Puntland - Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay, waxaa la filayaa in heshiis laga gaaro saacadaha soo socda xiisadii kacsaneyd ee hay’adda Puntland Security Forces oo loosoo gaabiyo PSF.

Heshiiskaan oo si toos ah ay ugu jiraan ka xal Gaaristiisa inta badan beesha ay ka soo wada jeedaan Madaxweynaha Puntland iyo agaasinkii Hore ee hay’ada ayaa la filaya inuu ku soo dhamaado Hab qaybsi u dhexeyn doona agaasimihii Hore ee Hay’adda (Reer Diyaano) iyo Agaasimaha cusub, Amiin Xaaji Khayr (dowladda Puntland).

Hab qaybsigaan ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, wuxuu salka ku hayaa hubka iyo Hantida ma guurtada ah ee ay hay’dda PSF Isticmaaleysay sanadihii la soo dhaafey.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in hubka iyo rasaasta la qaybin doono halka guryaha la fahansanahay ahaan doonaan hanti ay leeyihiin reer Diyaano.

Dowlada Puntland ayaa sida la rumeysan yahay hoos u dhigeysa khatarta ay yeelan karto hadii xalka xiisadaan sababo isku dhac ciidan kaas oo sababi kara in xasiloonida Puntland wax u dhinaato.

Madaxweyne Dani ayaa bishii hore xil ka qaadis uu ku sameeyey agaasimihii hay'adda PSF waxaana arrintaas ay sababtey in ciidamo dowlada ah lagu soo daadgureeyo xarunta ganacsiga Puntland.

PSF oo dowladda Mareykanka ay si weyn u taageerto ayaa muddo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM