Habraaca doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Puntland oo lasoo saarey

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga doorashada Madaxwaynaha Puntland ayaa soo saarey Hab-raaca ku wajahan qaabka ay uqabsoomeysa coddeynta loo balansan yahay 8-da bishaan Janaayo 2019, oo ay saddex maalin naga xigto.

Ugu horeyn, kooxda qaban-qaabadda doorashadda ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Sabti ah 5-ta bisha Janaayo 2019 ay si rasmi ah ubilaabayaan diiwaan-gelinta utartamayaasha xilka Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Musharax kasta ayuu Guddigu daboolka ka qaaday in laga doonayo aduun lacageed dhan 20-kun oo Dollar-ka Mareykanka, halka Musharixiinta Madaxweyne ku xigeenka laga rabo 10-kun, inkasta oo aanan la shaacin mudada ay ku eg-tahay.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Musharax kasta waxa uu saxiixayaan warqad ay ku cadahay inuu ku qanci doono natiijo kasta oo kasoo baxda Guddiga, kahor inta aysan bilaaban coddeynta.

Maalinta Isniinta ah, 7-da Janaayo, maalin kahor coddeynta, ayay guud ahaan Musharaxiinta ka horjeedi doonan Gollaha Wakiilada Barnaamijkooda siyaasadeed, iyada oo mid kasta uu heli doono 15-daqiiqo.

Ugu dambeyntii, Guddiga oo fahfaahiyay qaabka ay udhaceyso doorashada ayaa sheegay inay mari doonto saddex wareega oo mid kasta ay usoo gud-bayaan Musharaxa hela codadka ugu badan, inta laga helayo guuleystaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM