Hadal kasoo yeeray gudoomiye Cabdirashiid oo barakiciyey shacab

Image
Afhayeenka baarlamaanka Puntland ayaa horey loogu eedeeyey inuu sabab u ahaa iska-horimaadkii bishii June 20, 2023.

GAROWE, Puntland - Hadal Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ka jeediyey munaasabadii maalinta xornimada ee lagu qabtey xarunta madaxtooyada habeenkii June 30,2023 ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan sababey in dadweyne ka qaxeen xalay magaalo madaxda Puntland Garowe.

Dadweyne badan ayaa magaalada ka qaxay xalay fiidkii gaar ahaan agagaarka baarlamaanka Puntland kuwaas oo cabsi ka qaba in hadalkii Guddoomiye Cabdirashiid abuuro amni daro cusub.

Taliyaha qaybta Booliiska Garowe oo la hadlay saxaafada ayaa si shaac baxsan waxa uu u sheegay in dadku is-dajiyo islamarkaana aysan jirin wax amni daro ah.

Guddoomiye Cabdirashid Yusuf Jibriil ayaa horey loogu eedeeyey inuu sabab u ahaa iska-horimaadkii bishii June 20,2023 ku dhexmarey magaalada Garowe ciidamo kawada tirsan dowlada Puntland kadib markii si ula kac ah cod ugu qaadey in si sharci daro ah loo furo Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM