Halkee marayaan wadahadalada u dhexeeyey DF, Puntland iyo Jubaland?

Image

July 14,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe ka helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in wadahadalka saaka u bilowdey madaxda dowlada Puntland, Jubaland iyo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid la isku fahmi waayey qodobadii laga wadahadlayey.

Ra'isal wasaaraha Somalia aya wararku sheegayaan inuu u soo bandhigey madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iney aqoonsadaan maamulka Galmudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo bar isalmarkaana aqoonsadan dhamaan guddiyadii dhowaan dowlada Federaalka kaga dhawaaqdey magaalada Muqdsho kuwasoo Barlamanku ansaxiyey.

Mud. Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale kulankaas ku xusey in maamulka Galmudug dib ugu noqon doono Dastuurka kana saari doono qodobada sheegaya in xuduudaha maamulkaas kamid noqn doonaan degaano kamid ah Puntland.

Warsidaha Garowe Online aya fahansan in madaxweynaha Puntland iyo Jubaland diideen soo jeedinta Ra'isal wasare Cumar Cabdirashiid.

Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa caawa 14 July,2015  ku sugan guddi ka tirsan golaha wasiirada kuwaasoo madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas uga warbixnayo halka ay wadahadalka marayaan.

Kulanka maanta ka dhacayey madaxtooyada Garowe ayaa wararku sheegayaan inuu ku koobnaa oo kaliya labada madaxweyne ( Cabdiweli Cali Gaas, Axmad madoobe) iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Barlamanka Puntland ayaa dhowaan soo saarey go'aan uu ku diidayo aqoonsiga maamulka Gamudug isagoo sheegey inuu khilaafsan yahay   Dastuurka dowlada Federaalka Somalia.

Dastuurka Somalia ayaa waxaa qodobo kamid ah xusayaan in maamul goboleeda ay sameysan karaan Labo gobol iyo wixii ka badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM