Hawlgal Bosaso ka socda iyo dad badan oo la xirxirey

Image

May 16, 2015 (GO)- Ciidamada Birmadka ee qaybta ka ah booliska Puntland ayaa maalintii shanaad hawlgal amniga lagu sugayo ka wada magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Hawlgalka oo dhaca xilliga habeenka, wuxuu isugu jiraa baaritaan lagu sameeyo gaadiidka maraya jidadka muhiika ah ee magaalada iyo weliba baaritaan guri guri ah oo laga sameeyo qaar kamid ah xaadaha.

Ku dhowaad shan boqol oo qof oo dhallinyaro u badan ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo qaar kamid ah lasii daayey qaar kalena weli ay ku jiraan saldhigga dhexe ee booliska degmada.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ugu baaqey dadweynaha  inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa xoojinta nabadgelyada.


Dadweynaha oo cabanaya!

Qaybo kamid ah dadweynaha ayaa cabasho xooggan ka muujiyey hawlgalka ciidamada Birmadku xilliga habeenka ka sameeyaan magaalada Bosaso.

Arrimaha sida gaarka ah dadku uga cabanayaan waxaa kamid ah qaabka ciidamadu ula dhaqmaan shacabka oo la sheegay inuu yahay mid aan munaasib ahayn.

Macallimiinta jaamacadaha iyo ardeyda xilliga habeenka wax barata ayaa kamid ah dadka hawlgalku saameynta ugu weyn ku yeeshay.

"imtixaan ayaan u soconney, baska ayaa nalaka dejiyey waana nala celiyey, muddo labo saac ku dhow ayaan xanibneyn, sidaas ayuu imtixaankii nooga baaqdey...ciidamadu waxay ula dhaqmayaan dadka si aan munaasib ahayn, mid kamid ah gabdhihii ardeyda ahaa ee aan wada soconey xataa way dharbaaxeen" sidaas waxaa yiri ardey wax ka barta Jaamacadda Bosaso.

Ciidanka hawlgalka wada oo tiradiisu dhan tahay 250 askari, waxaa hoggaaminaya taliyihii hore ee qaybta booliska Bari Cismaan Xasan Cawke(Afdalow).

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM