Hawlgal dad badan lagu soo qabqabtey oo Bosaso laga sameeyey

Image

May 12, 2015 (GO)- Ciidamada booliska ayaa hawgal dad badan lagu soo qabqabtey 24tii saac ee ugu dambeeyey ka sameeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada hawlgalkan sameeyey oo ka tirsan Birmad-Boolis shalay ayey Bosaso yimaadeen iyagoo kasoo ruuqaansadey degmada Qardho, isla xalayna waxay bilaabeen hawgal lagu baarayo gaadiidka iyo qaybo kamid ah xaafadaha.

Ku dhowaad saddex boqol oo qof oo dhallinyaro u badan ayey boolisku gacanta ku dhigeen, waxaana laysugu keenay saldhigga dhexe ee booliska.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in badi dadkii hawgalka lagu soo qabtey lasii daayey, balse weli baaritaan lagu wado dhowr qof oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Hawlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli aammaanka magaalada Bosaso uu todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM