​Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah oo Imtixaan qaaday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Punrland- Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission)ayaa qaaday imtixaankii MadaxqaybeedyadaFarsamadda Kambuyuutarada (ICT Unit Heads)ee Hay’ada iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo, waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu  maanta qaadayso imtixaamka ICTga, horana u soo qaaday imtixamaadka afar Madaxqaybeed. 

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Madaxqaybeedyadii Hay’adu hore u qaaday imtixaankooda ay hadda shaqo galeen, isla markaasna ay si habsi leh u gudanayaal waajibaadkooda shaqo, iyagoo isbedel rasmi ah ku samayeey Wasaaradihii iyo Hay’adihii ay ka shaqo galeen.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay in dadkii hore ugu soo baxay imtixaamaadka ay ahayeen dad u qalma boosaska ay ku soo baxeen, taasina ay ka marag cad u tahay  in uu imtixaanku ahaa mid ku salaysan caddaalad iyo hufnaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u balan qaaday in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha Dowladda Puntland isla markaasna kor loo qaado tayadooda iyo aqoontooda, wuxuu imtixaankan qayb ka yahay kana jawaabayaa balan qaadkii Madaxweyne Cabdiweli.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM