​Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah oo Imtixaan qaaday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Punrland- Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission)ayaa qaaday imtixaankii MadaxqaybeedyadaFarsamadda Kambuyuutarada (ICT Unit Heads)ee Hay’ada iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo, waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu  maanta qaadayso imtixaamka ICTga, horana u soo qaaday imtixamaadka afar Madaxqaybeed. 

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Madaxqaybeedyadii Hay’adu hore u qaaday imtixaankooda ay hadda shaqo galeen, isla markaasna ay si habsi leh u gudanayaal waajibaadkooda shaqo, iyagoo isbedel rasmi ah ku samayeey Wasaaradihii iyo Hay’adihii ay ka shaqo galeen.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay in dadkii hore ugu soo baxay imtixaamaadka ay ahayeen dad u qalma boosaska ay ku soo baxeen, taasina ay ka marag cad u tahay  in uu imtixaanku ahaa mid ku salaysan caddaalad iyo hufnaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u balan qaaday in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha Dowladda Puntland isla markaasna kor loo qaado tayadooda iyo aqoontooda, wuxuu imtixaankan qayb ka yahay kana jawaabayaa balan qaadkii Madaxweyne Cabdiweli.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM