Hogaan cusub oo loo magacaabay Ciidanka Booliska Puntland

Image
Isbadaladan waxay imaanayaa xilli Deni ku adkeysanayo in uu qabto doorashooyinka goleyaasha degaanka ee muranka xoogan uu ka taagan yahay.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaan cusub u magacaabay Ciidamadda Booliska Puntland, sidda ku xusan wareegto kasoo baxdey Madaxtooyadda Arbacada maanta ah.

Sareeyo Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa loo magacaabay magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland, halka Sareeyo Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo xushay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

Dhanka kale, sidda ku cad digreetadan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooaydda, waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Muumin ayaa ahaa taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug. Isbadaladan waxay imaanayaa xilli Deni ku adkeysanayo in uu qabto doorashooyinka goleyaasha degaanka ee muranka xoogan uu ka taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM