Hogaan cusub oo loo magacaabay ciidanka Madaxtooyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maata ah wuxuu magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada, sidda lagu sheegay wareegto.

Digreetada oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda waxaa lagu xaqiijiyey in G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Sidoo kale, Gaashaanle Sarre Cabdirisaaq Axmed Cali, sidda ku xusan wareegtadan uu arkay Garowe Online, ayaa laga dhigay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Hoos ka akhriso Wareegtada


Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Ciidamadda Madaxtooyadda dowladda Puntland oo mas'uul ka ah ammaanka Aqalka looga armiyo maamulka ayaa waxaa dhowaan lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo diiwaan-gelinta casriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM