Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ka gadoodey mushahar la'aan

Image
Askartan ayaa xirtey guud ahaan waddooyinka gala aqalka looga taliyo dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa xirtey dhamaan wadooyinka soo gala xarunta. Askartan ayaa lagu waramay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan.

Talaabadaan ayaa imaanaysa xilli maalintii shalay ciidamada birmadka oo ka amarqaata Siciid Cabdulahi Dani qabsadeen dekada Bosaaso kuwaas oo sheeganayey mushahar la’aan muddo ku dhow muddo Lix bilood ah.

Ciidamadaan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan, waxay kasoo baxeen buuraha gobolka Bari halkaasi oo ay kula diriraan kooxaha argagixisada sidda Al-Shabaab iyo Daacish.

Dekeddaan oo ah isha dhaqaale ee Puntland ugu wayn ayaa lagu tiriyaa hooyada maaliyada ee mandiqadda iyada oo ciidamaddu ay u tageen sababo la xiriira mushahaarkooda oo ay waayeen.

Xukuumada Puntland ee uu madaxda ka yahay Dani ayaan bixin mushaharaadka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada kadib markii dakhliga dowlada u leexiyeen doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan yahay kuwaas oo la sheegey iney xambaarsan yihiin muddo kororsi.

Mushahaar la'aanta ayaa keentay in ciidamo ay qabsadaan Saldhigga Bari ee Garowe, Kaantaroolka Galbeed ee Galkacyo iyo maanta oo ay ka taagan tahay isha dhaqaale ee maamulka ugu muhiimsan.

Lama ogga halka ay ku dambayn doonto xaaladaan balse waxgaradka Puntland ayaa ka digay marar kala duwan in xaaladu ay ku socoto meel aan wanaagsanayn kuna taliyey in degdeg xal waara loogu helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM