Imtixaanka shahaadiga ah ee iskuulada Puntland oo dib loo dhigay

Image
Xiligii horey loo qaban-jiray, xukuumadda waqtiga ka dhacayo ayaa qabatay doorashooyinka muranka hareeyay.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa shaacisay xiligga rasmiga ah ee sanadkaan uu bilaabanayo imtixaanka midaysan ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare.

10-ka bisha lixaad ayuu imtixaanku ka bilaabanayaa gobalada iyo degmooyinka Puntland iyada oo ay u muuqato in sanadkaan la dib dhigay xiligii markii hore imtixaanka loo fariisan jiray.

Sanad walba 25-ka bisha shanaad ee May ayaa imtixaanka midaysan ay u fariisan jireen ardayda Puntland balse sanadkaan ayaa dib loo dhigay iyada oo xiligiisi ay xukuumadu hirgelisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo uu hareeyay muran xoogan.

Ku dhawaad 30 kun ayaa cel-celis ahaan u fariista imtixaankaas sanad kasta iyada oo lagu dhaliilay xukuumadihii Puntland soo maray jihayn la'aanta ardayda soo qalin jabisa sanad kasta.

Xukuumadda Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si gaar ah lagu tilmaamay mid aan usoo jeesan shaqo u abuurka dhalinyarada iyo hirgelinta mashaariic ay shaqo ka heli karaan tiro badan oo dhalinyaro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM