Imtixaanka shahaadiga oo maanta ka bilowdey gobollada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

May 23, 2015 (GO)- Dhammaan gobollada Puntland waxaa saaka oo Sabti ah ka bilowdey imtixaanka shahaadiga ah ee laga qaadayo ardeyda ka baxaysa dugsiga dhexe iyo dugsiga sare.

Sanadkan waxaa imtixaanka u fariisan doona 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood. Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818. 

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Bosaso ayaa si rasmi ah imtixaanka u daah furey, wuxuuna guul u rajeeyey ardeyda isagoo ku boorriyey inay dadaal dheeri ah muujiyan waxbarashadoona si wataan.

74 xarumood ayaa lagu qaadayaa imtixaanka, waxaana ilaalinta imtixaanka iyo kormeerkiisa loo xil saarey 500 oo qof oo isugu jira macallimiin iyo mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Muddo todobaad ah ayuu imtixaanku socon doonaa, wuxuuna si rasmi ah usoo xirmi doonaa maalinta Khamiista ee taariikhdu ku beegan tahay May 28, 2015.

Imitixaanka shahaadiga oo markii hore dowladdu ka qaadi jirtey dugsiyada hoos taga dowladda oo qura, waxaa la mideeyey sanadkii 2010 markaas oo la bilaabay in si siman looga qaado dhammaan iskuullada ka diiwaan gashan Wasaaradda Waxbarashada iyo Dallada Waxbarashada Ahliga ah ee PEN.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM