Isbedelka la filayo in lagu karo xukuumadda uu soo dhisayo Deni

Image
Illo xog ogaaal ah ayaa u sheegay Garowe Online ayaa inuu dhamaad yahay latashiyadda ku wajahan shaacinta liiska kama dambeysta ah.

GAROWE, Puntland — Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo dhisayo Xukuumad ka miisaan culus golihii hore ee uu dhisay 2019-kii oo kaalintooda matalaada ay aad u hooseysay.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay ayaa lasoo wariyay inuu kalkan u gacan-banaanaaday golihiisa wasiirada, waxaana xulashadiisa koowaad ah waayo-aragnimo, karti Shaqo iyo hufnaan.

Wasiiradan ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan odayaal miisaan siyaasaded kuleh degaanada Puntland. Kulamo ilaa xalay socday ayaa wararku tibaaxayaan in siyaasiyiinta mucaaridka ah qaybtood talo laga siiyey golaha.

Kordhis ayaa la filayaa inuu golaha ku yimaado, gaar ahaan deegaanada darafyada Mudug iyo Sanaag ayaa xukuumadan taageero ka helaya. Degmadda Ceerigaabo ayaa laga yaabaa inay golaha ku yeeshaan metalaad sidii hore ka culus.

“Ugu yaraan 36 saacadood wax kayar ayaa haray waqtiga kama dambeysta ah, lamana soo sheegin culays siyaasadeed oo dib u dhigi kara shaacinta liiska,” ayuu yiri qof ku dhow Madaxtooyadda oo ka gaabsadey magaciisa.

Barlamaanka Puntland ayaa horey u aqbalay codsi ka yimid madaxweynaha oo ku aaddan in muddo bil ah loogu daro waqtiga dhismaha xukuumadda, sababo la xiriira caleemo saarka oo waqti dheer qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM