Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne ku xigeenka dowladda ayaa kormeeray dhismaha isbitaalka.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha  Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo.

Karaash ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka ee dhismuhu kasocdo kuwaas oo maraya meel wanaagsan, isaga oo warbixino ka dhegeystay Maamulka Isbitaalka iyo Shirkada gacanta ku haysa dhismaha Isbitaalka.

Masuuliyiinta Shirkada dhisaysa Isbitaalka ayaa Karaash la wadaagtay halka uu marayo qorshaha dayactirka Isbitaalka, halka uu marayo iyo shaqada u qabsoomtay waxayna sheegeen inay kusoo geba-gebayn doonaan mudo 6 biloood ah.

Karaash ayaa boggaadiyay shaqada ku socota Isbitaalka Garoowe oo muhim u ah adeega caafimaad ee Bulshada loo hayo, wuxuuna kula dar-daarmay Shirkada gacanta ku haysa  inay masuuliyad weyn iska saaaran shaqada ay hayaan isla markaana dar-dar geliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM