Isimada iyo Musharaxiinta Puntland oo qaatay kulan Xasaasi ah [DAAWO]

Image
Image

GAROWE, Puntland - Isimada iyo musharaxiinta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulan wadajir ah ku yeeshey magaalada caasimada ah ee Garowe, kaasoo laga soo saarey go'aanno khuseeya doorashada 8-da bishan dhacaysa.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay go’aano dhowaan kasoo baxay dowladda Puntland, kaasoo looga mamnuucay mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yimaadaan Garowe mudada lagu guda jiro doorashada.

"Muwaadin kasta oo reer Puntland ah kaasi oo aanan gelin wax dambi ah wuxuu xaq u leeyahay inuu yimaado…Sidoo kale, Xawaaladuhu way shaqaynayaan, waana lasoo diri karaa lacago," ayay sheegeen Isimada.

Dhinacyada shirkii maanta kasoo qaybgalay ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in doorashada ku dhacdo jawi aad u xasiloon, iyagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo khal-khal abuuri kara.

Hogaanka Dhaqanka ayaa ku bogaadiyay Xildhibaanada cusub sida dar-darta leh ee ay howlahooda ku bilaabeen, waxaana ay kula taliyeen inay Puntland u dooraan hogaamiye, kaasi oo Shanta sano ee soo socota ka saari kara dhibaatooyinka jira.

Ugu dambeyntii, Isimada ayaa ugu baaqay Musharaxiinta in marka ay qabanayaan Kulamada siyaasadeed, ay kala shaqeeyaan hay’addaha amniga ilaalinta xasiloonida iyo nabadda.

Go'aanada noocan ah iyo faragelin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khatar ku ah jiritaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO GO'AANADA KULANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM