Isimada iyo Musharaxiinta Puntland oo qaatay kulan Xasaasi ah [DAAWO]

Image
Image

GAROWE, Puntland - Isimada iyo musharaxiinta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulan wadajir ah ku yeeshey magaalada caasimada ah ee Garowe, kaasoo laga soo saarey go'aanno khuseeya doorashada 8-da bishan dhacaysa.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay go’aano dhowaan kasoo baxay dowladda Puntland, kaasoo looga mamnuucay mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yimaadaan Garowe mudada lagu guda jiro doorashada.

"Muwaadin kasta oo reer Puntland ah kaasi oo aanan gelin wax dambi ah wuxuu xaq u leeyahay inuu yimaado…Sidoo kale, Xawaaladuhu way shaqaynayaan, waana lasoo diri karaa lacago," ayay sheegeen Isimada.

Dhinacyada shirkii maanta kasoo qaybgalay ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in doorashada ku dhacdo jawi aad u xasiloon, iyagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo khal-khal abuuri kara.

Hogaanka Dhaqanka ayaa ku bogaadiyay Xildhibaanada cusub sida dar-darta leh ee ay howlahooda ku bilaabeen, waxaana ay kula taliyeen inay Puntland u dooraan hogaamiye, kaasi oo Shanta sano ee soo socota ka saari kara dhibaatooyinka jira.

Ugu dambeyntii, Isimada ayaa ugu baaqay Musharaxiinta in marka ay qabanayaan Kulamada siyaasadeed, ay kala shaqeeyaan hay’addaha amniga ilaalinta xasiloonida iyo nabadda.

Go'aanada noocan ah iyo faragelin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khatar ku ah jiritaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO GO'AANADA KULANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM