Isimada Puntland iyo SSC oo wadahadalo dhif ah ku yeeshay Garowe

Image
Dhaqankan ayaa ah kuwo inta badan aanan kulmin ku dhawaad 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa shalay uu kulan ku dhex-maray Isimada SSC iyo kuwa Puntland iyada oo aan faah-faahin badan laga hayn shirka.

Kulanka oo ka dhacay beerta 22-aad ayaa waxaa markii la qadeeyay kadib dibada looga saaray dhamaan xubnihii kale ee aan Isimada ahayn iyada oo kaliya ay odayaasha dhaqanka isku soo hareen.

Garaadada SSC ee kulanka ka qayb galay ayaa waxaa kamid ahaa; Garaad Jaamac Garaad Cali, Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Saleebaan Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Isimada Puntland ee kulanka joogay waxaa kamid ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi, Beeldaaje Cali Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Calbari, Garaad Cabdulaahi Cilmi Shirwac iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase .

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo xog-ogaal u ahaa wadahadaladda ayaa Garowe Online u sheegay: "Mahadcelin iyo dar-dar-gelin ayay ahayd muhiimada kulanku".

Dhaqankaan ayaa ah kuwo inta badan aanan kulmin ku dhawaad 20-kii sano ee lasoo dhaafay iyada oo la rumeysan yahay in kulankaani uu dhabaha u xaarayo mustaqbalka dhaw.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxaa isku-horfadhiya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC iyada oo la filan karo saacad kasta in dagaal uu mar kale ka dhex qarxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM