Isimmada SSC-Khaatumo oo go’aan ka qaatay doorashada Puntland

Image
Isimmadu ayaa diiday in la soo xulo xildhibaano ku matala baarlamaanka Puntland.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Isimmada SSC-Khaatumo ayaa Maanta kulan ay magaalada Laascaanood ku yeesheen ku shaaciyey mowqifkooda ku aadan doorashada Puntland oo la filayo inay qabsoonto 8-da Janaayo.

Isimmada ayaa ku dhawaaqay inaysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, iyagoo ku nuux-nuux saday in musharax u taagan SSC-Khaatumo uusan u tartami karin xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Waxay Isimmadu sidoo kale baaq u direen labada xubnood ee SSC-Khaatumo ku metelaya Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland inay iscasilaan.

Isimmadu ayaa diiday in la soo xulo xildhibaano ku matala baarlamaanka Puntland, waxayna xaqiijiyeen in dhammaan odayaashii soo xulan jiray xildhibaanada Puntland ay si wada jir ah u go’aansadeen in ay qaadacaan doorashada.

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ka hadlay sida ay ugu go’antahay midnimada iyo wadajirka shacabka SSC-Khaatumo, waxa uuna carabka ku dhuftay in dadkiisa ay ku taamayaan maamul ka gooni ah Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM