Isimo ku biiray shirka Garowe

Image

GAROWE, Soomaaliya - Isimada Puntland ayaa shirweyne Aayo ka tashiga Puntland uga socdaa magaalada caasimada ah ee Garowe iyaga oo laga filayo in ay xal ka keenaan Is-mari-waanaga Doorashooyinka.

Beeldaaje Cali Faarax iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad oo kamid Isimada fadhigoodu gobalka Bari ahaa ayaa dhawrkii bari ee u danbeeyay shirka ku biiray.

Sidoo kale Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Baashe Cabdulaahi Maxamuud Aw-Cismaan ayaa kulan Garowe ku yeeshay.

Baashiga oo horey Garowe uga maqnaa ayaa kamid ah Isimada gobalka Nugaal.

Isimada ayaa kulan la qaatay Mucaaradka, Ururada siyaasadda gaar ahaan ururka madaxweyne Deni ee KAAH iyo Dhalinyarada Puntland.

Xukuumada Deni ayaa horey dhawr mar Dhaliilo usoo jeedisay Isimada iyaga oo ku tilmaamay kuwo laga gudbay oo wakhtigoodi la dhaafay.

Mucaaradka Deni oo ay ku jiraan Ururada Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha ayaa soo jeediyay in Doorashada lagu galo hanaanki hore ee 66da ahaa ee xulista dhaqanka.

Madaxweyne, Siciid Deni oo Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay ka hareen wax ka yar 80 cisho ayaa isagu ku adkaysanaya muddo kororsi iyada oo dhawaan Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka oo aysan qeyb ka ahayn Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha ay sheegeen in ay muddo kordhin 50 cisho ah u sameeyeen Siciid Deni.

Ra'iisul wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa go'aanka ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aanan intaas ku ekayn oo wadada lagu xaaranayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM