Itoobiyaan horleh oo ku biiray maleyshiyaadka Daacishta Soomaaliya

Image
ISIL-Somalia ayaa si dhuumaaleysi ah waxay uga howlgashaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

BOOSAASO, Puntland - Al-Shabaab iyo Daacish ayaa todobaadkan waxay ku dagaalameen bariga Puntland. Isku-dhacan waxa uu soo jiitay indhaha mukhaabaraadka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga Idaacada VOA-da ayaa wariyey in isku-dhacan uu salka ku hayo saameynta iyo gacan ku haynta degaanada buuraleyda ah gaar ahaan Cal-Miskaad.

Khuburo la hadlay warbaahintan ayaa sheegay in wallow Daacishta Soomaaliya ay tiro ahaan ka yar tahay Al-Shabaab hadana ay khatar muuqata ku tahay nabad-gelyadda guud ahaan Soomaaliya.

ISIL-Somalia oo uu aas-aasay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka goostay Al-shabaab sannadkii 2015-kii, ayaa si dhuumaaleysi ah ku maamula dhul yar halkaasoo muuqaalo goos-goos ah uu kasoo duubo.

Guddoomiyaha degmada Balidhidhin ee dowladda Puntland, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa VOA-da u sheegay in dagaalyahannada IS ay sannadihii u dambeeyay qorteen xubno cusub oo Itoobiyaan ah.

Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka shanqariyey in markii ugu horeysay ee kooxdaasi ay soo gaareen deegaanka 2015 iyo 2016 isla markaana tiradooda lagu qiyaasay ilaa 20 dagaalyahan.

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa reer galbeedka ayaa rumeysan in sirta ka dambeysa xubnaha Itoobiyaanka ee ku biiray Daacish ay tahay in kooxda qorsheyneyso is-balaarin ama in ay howlgalo ka fuliso gudaha Itoobiya.

Tiradaas ayaa si degdeg ah waxay ku gaartay 250 ilaa 300 oo dagaalyahan oo ay ku jiraan maleyshiyaad cusub oo Itoobiyaan, sida ay sheegeen falanqeeyeyaasha amniga ee gobolka.

"Ma fududa in tirada saxda ah la sheego," ayuu Yuusuf yiri markii la weydiiyay tirada dagaalyahannada Itoobiya ee sanadihii lasoo dhaafay sida lama filaanka ah ay u duuf-satay kooxda Daacish.

Tirada dagaalyahannada Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay aad u badan tahay. Kooxda isku-sheegtay Dowladda Islaamka ayaa horay u baahisay muuqaal borobogaando ah oo muujinaya Itoobiyaanka ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM