Jamaal Faarax Aadan: Wariye lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dabley aan wali heybtooda la aqoonsan ayaa waxaa lagu waramay in caawa ay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ku khaarijiyeen wairye Jamaal Faarax Aadan.

Gacan-ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay falkaas ayaa waxaa la sheegay in ay baxsadeen kahor inta aysan ciidamada ammaanka gaarin goobta wax ka dhaceen.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dilkan uu ka dhacay meel ku dhow xeradda Siinay ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo meel mehrad ah uu ka fadhiyey suxufiga.

ALLE ha u naxariistee, wariye Faarax oo muddo dheer ka howlgalayey warbaahinta degaanadda Puntland ayaa ka shaqeeyay Idaacadda Daljir oo maamul ka noqdey.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, kiisaska noocaan ah ee ka dhaca degaanada Soomaalida waxaa looga bartay Al-Shabaab.

Taliska qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland oo xaqiijiyey dilka ayaa shaaca ka dhigay in marxuumka ay toogteen laba dhalinyarro ah "iska dhigay in ay agab ka iibsanayaan mehrad uu lahaa".

"Markii uu u jiheystay dhanka mehradda, labadii nin ayaa dhabarka kaga toogtey bastooladdo ay wateen," ayuu yiri Korneyl Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha qeybta bileyska Puntland ee gobolka Mudug.

Sidoo kale toogashadaas waxaa ku dhaawacmay shaqsi magaciisa lagu sheevay Dhagdheer Tarabi oo haatan lagu dabiibayo Cisbitaalka Gaalkacyo.

Maamulka iyo shaqaalaha warsidaha Garowe Online waxay tacsi u dirayaan ehelka Jamaal, waxaan leenahay samir iyo imaan Ilaahey ha naga siiyo isagana Janatul Fardowzo Allah ka waraabiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM