Jamaal oo baaq kasoo saarey doorashadda kuraasta Boosaaso

Image
Jadwalka doorashada 16-ka kursi ee taala xarunta gobolka Bari ayaa la filayaa in lasoo saaro asbuucan.

BOOSAASO, Puntland – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta doonaya kuraasta baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa walaacsan daah furnaanta 16 kursi oo codayntoodu ka dhacayso xarunta ganacsiga Puntland.

Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya haddana ka mid ah musharaxiinta golaha shacabka ee kuraastoodu taalla mgaalada Boosaaso oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa walaac ka muujiyay qaabka doorashadaasi loo qabanayo iyo halka lagu qabanayo.

Jamaal oo sheegay in codayntu ka dhacayso garoonka diyaaradaha Boosaaso ay khilaafsan tahay habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashadda golaha shacabka.

Ciidanka ilaaliya amniga doorashada ayuu sheegay in ay ka baxsanyihiin ciidanka hooska taga guddiga amniga doorashooyinka isla markaana laga leeyahay dano siyaasadeed isaga oo ka digay in la iska horkeeno qabaa’ilka doorashaduna noqoto “mid boob iyo jabuub ah”.

Wuxuu yiri: “Ciidanka ilaaniya doorashada ma’ahan ciidankii loogu talagalay ama aan heshiiska ku nahay sida kuwa booliska iyo AMISOM, waa ciidanka PMPF (Puntland Maritime Police Force) oo meelo kale laga fangareeyo oo aan ognahay xaqiiqadiisa sida lagu sameeyay iyo cida bixisa dhaqaaalihiisa iyo shaqada uu qabto".

“Habraacii lagu heshiiyay waa ay ka hor imaanaysaa mana ahan meel latagi karo maahan, meel dadka u wada furana maahan meel dadku wada tagi karaana maahan," ayuu hadalkiisa raaciyay Jamaal oo afartii sano ee la soo dhaafay baarlamaanka ku matalayay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in isaga iyo siyaasiinta kale ay doonayana in doorashada loo madax banneeyo qabaailka iska leh kuraasta isaga oo ka digay faro-galinta habraayacada doorashada ee lagu heshiyay.

Hadii la boobo doorashadaas ayuu sheegay in ay ka dhalanayso cawaaqib xumo fog isaga oo digniin u diray dadka ku fakaray in ay doorashada ka dhigaan boob.

Hadalka Jamaal ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni lagu wado in uu tago magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa sidoo kale laga sugayaa todobaadkan in ay soo saaraan jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2 aad ee dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM