​Jangali oo kusoo baxay kursiga Aqalka hoose

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka duulista hawada xukuumadda Federaalka Somalia ee waqtigeedu dhammaaday Cali Axmed Jaamac Jengali, ayaa ku guulaystay xubinta beeshiisa u matalaysa Barlamanka dowladda Somalia, kadib loollan adag oo la kulmay, murashaxiinta kala ah; Jaamac Xasan Khaliif, Cabdifataax Xaaji Camay iyo Cabdi Jaamac.

Xubin kamid ah Gudiga doorashooyinka heer Federaal, Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorasho aqalka hoose ee ka dhacday caasumadda Puntland, wuxuuna sheegeen in Jangali uu kursigaas kusoo baxay kadib markii uu helay 30 cod, inkastoo dhowr wareeg uu galay.

Ninka kula tartamay wareegii labaad ee Jaamac Xasan Khaliif, uu helay 21 cod.

Jangali, ayaa madasha ka sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda Somalia iyo dadka soo doortay baahidooda.

Kursigan ayaa aad loogu loollamay, wuxuuna baaqday maalintii shalay, iyadoo la sheegay inuu farogalin ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland maadama uu tartamayay Cabdifataax Xaaji Camay oo qaraabo dhowyihiin.

Xukuumadda Puntland, ayaa farogalin toos ah ku haysa doorashada xubnaha Aqalka hoose u tartamaysa.

19 mudane ayaa ka haray qoondada Puntland ka heshay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo gaaraya 37 mudane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM