Jawaari "2016 doorasho madax bannaan ma dhici karto"

Image

July 28, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay suurogal inaysan ahayn in dalka doorasho ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2016.

Jawaari oo ka hadlayey fadhigii baarlammaanka ee shalay, wuxuu sheegay in Baarlammaanka, Xukuumadda Federaalka iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ogyihiin in doorasho madax bannaan oo hal qof iyo cod ahi dhici karin sanadka soo socda.

"Waxaa isku raacsannahay ama la ogyahay, Xukuumadduna ogtahay, qof kasta oo Soomaali ahina ogyahay in August 2016 kadib aysan dalka doorasho (hal qof iyo hal cod)  ahi ka dhici karin, waxaan kaloo ognahay dastuuriyan Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo dhammaan intii la doortay 2012 in marka la gaaro 2016 xilkii naga wada dhamaaday” ayuu yiri.

Qabsoomid la'aanta doorashada wuxuu ku sababeeyey dhowr arrimood oo kala ah: guddiyadii iyo shuruucdii hal-bowlaha u ahaa doorashada oon weli la sameyn, dastuurka oo qabyo ah iyo weliba ammaanka oon wanaagsanayn.

Hadalka Jawaari ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah uu magaalada Muqdisho ka furmi doona shir ku saabsan Higsiga 2016, shirkaas oo ay ka qayb  geli doonaan madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka, haseyeeshee Puntland iyo Jubaland ayaa horay u sheegay inaysan shirkaas ka qayb geli doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM