Juxa oo iska-fogeeyay xubinimadda Ururka Siyaasadeedka KAAH

Image
Lama ogga sida uu madaxwayne Deni ugu farxi doono dhawaqa wasiirkiisa cusub ee arrimaha gudaha.

GAROWE, Puntland – Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdifaarax Saciid Juxa, ayaa dadwayne uu kula kulmay magaalada Garowe u sheegay in uusan qayb ka ahayn Urur Siyaasadda dowladda ee KAAH.

Juxa oo xilkan loo magacaabay dhowaan ayaa wuxuu shacabkan ula kulmay si uu uga iibiyo aragtida madaxwayne Deni ee la xiriirta qabashadda doorashada qof iyo cod ee goleyaasha degaanka.

Lama garanayo sababta ku kaliftey Juxa in uu qayb kamid ah bulshadda caasimadda horteeda iaga fogeeyo Ururka KAAH xilli mas’uulkii xilkan uga horeeyay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad uu si furan uga mid ahaa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaan si toos ah ugu lug-lahayn hirgelinta doorashada tooska ah balse waxay kamid tahay waajibaadyadda guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka TPEC.

Ma cadda haddii hadalka Juxa uu yahay mid uu ku goobayo kalsoonida Ururadda Siyaasadda oo horey uga soo horjeestay qaabka qarda-jeexa ah ee xukuumadda u dooneyso in ay ku dhameystirto geedi-socodkan.

Daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ayaa is-waydiinaya sidda ay suurtagal ku noqoneyso in mas’uul uusan qayb ka ahayn Urur Siyaasadka dowlada uu ka tirsan yahay iyo haddii ay tahay isku-day lagu marin-habaabinayo dadka.

Madaxwayne Deni oo xalay booqdey xarunta dhexe ee Ururka KAAH ayaa la kulmay xubnaha golaha fulinta, sidda ay shaacisay Madaxtooyadda. Is-araggan waxaa kasoo muuqdey mas’uuliyiin balse qayb kama uusan ahayn Juxa.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyas Osman Lugatoor oo ah xoghayaha guud ee Ururka KAAH, ayaa kamid ah mas’uuliyiin heer gole wasiiro ah oo kasoo muudey shirkan.

Deni ayaa doonaya in ururka KAAH ay xubin ka noqdaan dhamaan howladeenadda dowladda xataa shaqaalaha rayidka oo ay ahayd in aysan ku milmin siyaasadda.

Kulankan ayaan lagala xishoon in lagu faafiyo barta rasmiga ah ee Madaxtooyada ku leedahay Facebook-ga taasoo ah hanti dadwayne oo ay ahayd in aan si gaar ah loo adeegsan.

Juxa ayaa kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland wuxuu lataliye sarre ka ahaa Xarunta Cilmi-baarista PDRC taasoo muddooyinkii ugu dambeeyay lumisay madax-banaanida kuna milantay siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM