Karaash oo ka hadlay dib u dhaca golaha degaanka Garowe [Dhageyso]

Image

August 12, 2015 (GO)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi  Cismaan Karaash oo maanta kulan la qaatey guddiga soo xulista xubnaha golaha deegaanka cusub ee Garowe, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu soo dhisi doono maamulka cusub ee magaalo madaxda.

Karaash ayaa ayaa sidoo kale xusay in la soo dhameystiray 27xubnood ee kamid noqon doona golaha deegaanka, haseyeeshee weli Wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo kala xuli lahaa.

 Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qiray in dowladdu sabab u tahay dib u dhaca ku yimid dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Garowe.

Ugu dambeyntii wuxuu ku taliyey in aqoon iyo waayo aragnimo lagu soo xulo xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka isagoo carrabka ku adkeeyey in dib loo celin doona dadka u qalmi waaya inay kamid noqdaan maamulka cusub ee Garowe.

Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso  iyo ayaan maamul rasmi ah lahayn saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, kadib markii Madaxweynuhu kala diray maamulladii horay magaalooyinkaas uga jirey.

Warsidaha Garowe Online oo shacabka reer Puntland la socdsiiya arrimaha bulshada ayaa didinla socodsiin doona wararka la xiriira dhismaha golyaasha degaanka Bosaso iyo Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM