Karaash oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Cayn

Image
Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxwayne ku xigeenka Puntland

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa magacaabay guddoomiyaha gobolka Ceyn, sida lagu sheegay wareegto lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook-ga.

Sida laga soo xigtay digreetadda oo sumadeedu tahay Xeer ku-sime Madaxweyne Lr.68, Agoosto, 29, 2021, Cabdifataax Ciise Maxamed ayaa loo xushay xilka Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Wareegtada ayaa lagu xusay in Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu tixgeliyey "talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn".

"Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadda Karaash.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Xeer ku-sime Madaxweyne Lr.68, Agoosto, 29, 2021 kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.

Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo

Wuxuu u magacaabay:-

Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.


Gobolka Ceyn ayaa kamid ah degaanada ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland oo ay wehliyaan Sanaag iyo Sool. Labada maamul waxaa halkaas u jooga maamul iyo ciidamo kala taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM