Karaash oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Cayn

Image
Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxwayne ku xigeenka Puntland

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa magacaabay guddoomiyaha gobolka Ceyn, sida lagu sheegay wareegto lagu faafiyey barta Madaxtooyada ee Facebook-ga.

Sida laga soo xigtay digreetadda oo sumadeedu tahay Xeer ku-sime Madaxweyne Lr.68, Agoosto, 29, 2021, Cabdifataax Ciise Maxamed ayaa loo xushay xilka Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Wareegtada ayaa lagu xusay in Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu tixgeliyey "talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn".

"Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadda Karaash.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Xeer ku-sime Madaxweyne Lr.68, Agoosto, 29, 2021 kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.

Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo

Wuxuu u magacaabay:-

Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.


Gobolka Ceyn ayaa kamid ah degaanada ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland oo ay wehliyaan Sanaag iyo Sool. Labada maamul waxaa halkaas u jooga maamul iyo ciidamo kala taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM