Karaash oo kormeeray waddo isku xirta laba magaalo

Image
Image
Image
Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa bogaadiyey shaqadda socota.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno.

Karaash ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame,  Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta booqday Hoteelka Martisoor ee Garoowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM