Khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday Qardho oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da'ay magaalada Qardho ayaa sababay khasaaro oo isugu jira mid maaliyadeed, dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad shacab ah.

Cabdi Saciid Cusmaan, duqa magaalada Qardho oo wareysi siiyey warbaahinta, ayaa xaqiijiyey dhimashadda lix qof oo shacab ahaa – saddex caruur ah, hal dumar ah iyo laba rag ah.

"Tabanaan kale waa la la'yahay, xarumo ganacsi iyo kuwa isgaarsiin ayaa burburay," ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo sheegay in ay ku howlan yihiin raadinta dadka la'yahay.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in ku dhowaad 150 guri ay cagta mariyeen daadadka. Sidoo kale, boqolaal kale oo rayid ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku barakaceen.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in gaari ay saarnaayeen tobban Neef oo Geel ah kuna sii jeeday magaalada Boosaaso kaliya laga helay dadkii la socday.

Xukuumadda Puntland ayaa la filayaa in ay jawaab deg-deg ah ay ka bixiso xaaladda kasoo korortay xarunta gobolka Karkaar, waxaana durba bilowday qorsheyaasha ka jawaabida.

Shacabka Puntland oo iskooda isku xilqaamay ayaa dhankooda wada abaabulka gurmad deg-deg ah oo ay gaarsiinayaan magaaladda, si ay wax ugu taraan qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

MUUQAALKA QARDHO

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM