Khasaaro ka dhashay ciidamo ku dagaalamay duleedka Bari Garowe

Image
Cutubyadan oo magacooda loosoo gaabiyo PMPF waxaa mushahaarka siiso dowladda Imaaraadka Carabta.

GAROWE, Puntland - Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa ka dhacay duleedka Bari ee magaala madaxda Garowe, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo illo dhanka ammaanka ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay jirto taasoo soo gaartey labada dhinac ee iska-hor-imaadka uu dhexmaray isla markaana muddo kooban uu socdey dagaalka.

Askarta ayaa waxaa lagu waramay in ay u badan yihiin kuwa badda Puntland ee magacooda loosoo gaabiyo PMPF oo ay mushahaarka siiso dowladda Imaaraadka Carabta.

Cutubyadda PMPF oo gacanta ku hayo oo galbinaya sanaadiiqda doorashada lagu muran-san yahay iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa lasoo wariyay in ilaa hadda is hor-fadhiyaan.

Warar qaar ayaa sheegaya in sanaadiiqdii dib loogu celiyay gudaha magaalada Garowe ka gadaal markii ciidamadda ay isku-maan-dhaafeen waajibaadka lasoo siiyey.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan soo jeedisay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Puntland iyada oo muddo xileedkii uu ka harsan yahay dhawr bilood.

Talaabadan ayaa waxay horseeday xiisad siyaasadeed iyo diidmo xooggan oo ay kaga hortageen siyaasiyiinta iyo qaybo kamid ah shacabka iyaga oo tibaaxay in ay horseedi karto xasilooni darro iyo qalalaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM