​Khasaaro ka dhashay Dagaal ka dhacay duleedka Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Balli Busle ee duleedka magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Iska hor imaadka oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo ciidamo la tuhunsanyahay inay katirsanyihiin maamulka Galmudug ayaa keenay dhimashada Saddex ruux iyo dhaawaca ku dhawaad Toboneeye kale.

Dagaalka ayaa  galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caano-surale kaasoo kaabiga ku haya tuulada Ceel-lahelay.

Dhaawacyada dadkii dagaalka ku waxyeelloobay ayaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Galkacyo.

Lama oga sababta keentay isku dhaca dhinacyadaasi iyadoo aysan ilaa hadda ka hadlin xukuumadda Puntland.

Dhowr jeer oo hore waxaa aagaas ka dhacay dagaallo ku salaysan qaabaa'il iyo dhul daaqsimeed.

Goob joogayaal aan xiriir la samaynay waxay noo sheegeen in deegaanka Balli Busle laga dareemayo saan saan colaadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM