Khayre iyo Deni oo kulmay kahor shirka DF Soomaaliya iyo maamulada

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlada Puntland ayaa Habeenimadii Jimcada kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Garowe kahor shirka guud ee maamulada iyo dowlada dhexe.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka qabsoomay hoyga uu Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka, ka degan yahay xarunta gobolka Nugaal, oo galabnimadii Jimcada uu ka degay.

Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha maamulka 20-sano jirka ah iyo Khayre ayaa waxay kawada hadleen xaalada guud ee dalka iyaga oo iska xog-wareystay dhinacyo ay siyaasada kamid tahay.

Wararka ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta ay isla soo qaadeen Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe kaasi oo Sabtida ka furmaya magaalada Garowe.

Isu imaatinkaasi oo uu horey u shaaciyay madaxweyne Deni ayaa looga arrinsan doonaa siyaasada, amniga, doorashooyinka qaranka iyo dhameystirka dastuurka oo qaabka uu u socdo si wayn loo dhaliilay.

Kulanka ayaa imaanaya iyada oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay kasoo horjeesteen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Xeerkaan oo ka kooban 61 qodob oo ku qoran 36 bog ayay dowlad goboleedyaddu shaaciyeen in ay ku qaadaceen "maadaama aanan laga talogelin" xili ay ku jiraan qodobo kale oo muran dhaliyey. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Xukuumada Khayre oo lagu eedeeyay in ay isku koobtay go’aanada masiirigi ayaa rajeyneysa in Shirka Wadatashiga uu xal uga soo dhex baxo iyada oo hogaamiyeyaasha ay rajo ka qabaan in uu noqdo mid miro dhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM