Khayre iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ka degay Garowe
GAROWE, Puntland – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxda maamul goboleedyadda ayaa maanta oo Jimce ah waxa ay soo gaareen magaaladda Garowe, caasimada dowladda Puntland.
Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa ayaa wafuuda si heer sarre ah ugu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee xarun goboleedka Nugaal.
Soo dhoweynta ayaa ah mid ka duwan kuwii hore loogu sameyn jirey madaxda Dalka iyadoo hogaanka cusub ee Puntland amrey in shacabka looga turo isu soo baxyada iyadoo lagu jiro xilli kulul oo abaar ah.
Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa kasoo horeeyay wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka, kuwaasi oo si yaabo kala gaar-gaar ah loo qaabilay.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Puntland maalinta berri ah.
Mas'uuliyiinta ayaa u yimid Garowe ka qaybgalka Shirka Wadatashiga ah ee dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah, kaasi oo lagu wado in uu todobaadka soo aadan ka furmo magaala madaxda Puntland.
Shirkaasi oo maalmo socon doona ayaa looga arrinsan doonaa xaalada guud ahaan ee dalka si gaar ah siyaasada, amniga, qabyo tirka dastuurka iyo waliba doorashooyinka 2020-21.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka ayaa uu qorshuhu yahay in uu Berri oo Sabti ah uu kasoo ambabaxo Muqdisho si uu ugu soo biro wafuuda caawa ku hooyaneysa Garowe.
Kulankaan ayaa qabsoomaya iyadda ay soo ifbaxday xiisad u dhaxeysa maamulada iyo Villa Soomaaliya oo ka dhalatay Sharciga Doorashooyinka oo Khamiistii ay ansixiyeen Wasiirada Federaalka.
GAROWE ONLINE