​Khilaaf ka dhex taagan Guddiga KMG ah doorashooyinka Puntland iyo Xoghayahooda

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta daah furay Barnaamij loogu magac daray ololaha hannaanka axsaabta badan ee doorashooyinka Puntland taasoo ballan qaaday xukuumadda haatan jirta.

Kulanka oo ay joogeen mas’uuliyiin katirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka ayaa looga hadlay qaabka lagu hirgalin karo hannaankan.

Balse, waxaa muuqata inuu jiro khilaaf ka dhex taagan Guddiga iyo gaabis ka haysta dhinacyada dowladda iyo beesha caalamka.

Munaasabadda maanta dhacday ayaa qaar kamid ah dadweynihii ka qayb galay walaac kamuujiyeen rajadii laga qabay in Puntland laga hirgaliyo nidaamkan, waxaana qayb kamid ah siyaasiyiintii joogay warbaahinta u saadaaliyeen inaysan muuqaan qaab nidaamkan lagu gaari karo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Maxamud Soofe Xasan oo khudbad kooban xafladda daah furka hannaankan ka jeediyay ayaa ka hadlay howlaha socda isagoo sheegay in qorshahan u muuqdo mid aan sii socon karin ilaa laga helo taageero laxaad leh oo ka timaada xukuumadda, dadweynaha iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo isna hadlay, ayaa xusay in dhib faro badan wajahayaan guddigu, balse loo baahanyahay in loo dhabar adaygo oo lagu dhiirado hirgalintiisa, wuxuuna sheegay in nidaamkan uusan ahayn sida bulshadu u qabto ee uu leeyahay dhibaato iyo faa’iido intaba.

Khudbadaha la jeediyay ayaa bixinayay sawir ah inaan loo soo jeedin ka dhabaynta Barnaamijkii uu ballan qaaday madaxweyne Gaas, waxaana Guddigan oo magacaaban in kabadan 6 bilood aysan wali hirgalin wax tallaabo ah, waxaana qaar kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen hor yaallaan golaha Barlamanka.

Arrimaha shaqadu u socon weyday ayaa inta badan guddigu u aanaynayaan taageero la’aan dhanka dowladda ah iyo beesha caalamka oo walaac ka qabta sidii la isugu hallayn lahaa arrimahan maadama xukuumaddu usoo jeedin nidaamkan.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan xubnaha Guddiga doorashada iyo xoghayaha iyadoo maanta shirkaan oo lagu qabanayey xarunta PDRC uusan kasoo xaadirin.

Dhinaca kale waxaa weli arrimo caafimaad dalka dibadiisa ugu maqan gudoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland.

Xoghayaha guddiga doorashada ayaa sharciyan waxaa horey loogu qaadi jirey Imtixaan qofka loo magacaabayo xilkaan balse Madaxweyne Gaas ayaa badaley  sharcigaan isagoo ku soo magacaabey wareegto lamid ah midda xubnaha guddiga doorashada Maxamad Siciid Kaashawiito.

Khilaafkaan oo ku salaysan awoodaha guddiga iyo xoghayaha ayaa maanta Maxamad Siciid Kaashawiito warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe isagoo sheegay inaan maanta lagu casuumin kulankaan islamarkaana la ogaysiin shirkii ka dhacay PDRC.

Maxamed Siciid Kashawiito oo sii hadlayay, ayaa sheegay in khilaafka ka jira guddigu uu gaaray Madaxweyne Gaas islaamrkaana uusan ka hadlin qaabka xalku noqonayo.

Khashawiito ayaa tilmaamay in khilaafka ugu xooggan ka jiro sharciga guddigu ku howl galayo isagoo tilmaamay inaan qaabka ay ku socdaan dimuqraadiyad lagu gaarsiin karin dalka iyo dadka intaba.

Hadalkan ayaa soo if-baxay xilli muddooyinkii dambe la sheegay inaysan wanaagsanayn xiriirka qaar kamid ah Guddiga doorashooyinka iyo Xoghayaha.

Arrintan ilaa hadda kama aysan hadlin dowladda oo sida muuqata aad uga caga jiideysa fulinta hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland.

Guddigan ayaa noqonay kii labaad ee Puntland yeelato, waxaana hannaanka isku dayday inay hirgaliso xukuumaddii uu hogaaminayay madaxweyne Farole taasoo gaarsiisey ilaa shacabka Puntlan intiisa badan u dareeraan doorashooyinka dowladaha Hoose, balse siyaasiyiin uu hormuud ka ahaa madaxweyne Gaas ayaa is hortaag ku sameeyay iyagoo waqtigaas u arkayay inaysan ka dhex muuqan maslaxadooda.

2014 xilligii la doortay Gaas, wuxuu sheegay inuu sannadka ugu horeeya diiradda saari doono hirgalinta nidaamka Axsaabta badan, balse waxay noqotay inuu soo magacaabo horraantii sannadkan 2016 Guddiga doorashooyinka xiligaas oo beesha caalamka dib ula noqotey tageeradii dhaqaale ay siin laheyd nidaamkaan.

Sida waqtigaan wax ku socdaan ayaa u muuqata in shacabka Puntland labo sano kadib dib ugu noqon doonaan nidaamkii qabaliga ahaa ee lagu soo dooran jirey xildhibanada fadhiidka ah ee Barlamanka kuwasoo oo doorta madax aan horey loo tijaabin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM