Puntland oo khubaro u direysa qiimeynta khasaaraha dhul-gariirka

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhul-gariirka Axadii laga dareemay bariga fog ee maamulkan.

Sidda ay sheegeen xeel-dheereyaasha dhul-ruxanka ee Mareykanka, waxaa musiibadaasi rabaaniga ah ay ka dhacday gunta badda ku beegan degaanka Bereeda ee oo dhaca gacanka Cadmeed.

Faarax Maxamuud Cawash, wasiirka wasaaradaasi, ayaa shaaca ka qaadey in ay qorsheynayaan in ay diraan khuburo ka socda Wasaaradda oo qiimeyn kusoo saameyn doona khasaaraha dhacdadaasi.

Cawash ayaa ku nuux-nuux saday in ay jirto cabsi ku aadan in degaano kale uu sameeyo dhul-gariir balse wasaarada ayuu xusay in ay shacabka uga digeyso arrintaasi.

Dadka degaanka ayaa waxay qireen in ay dareemeen dhul-gariirka, wallow ay ka gaabsadeen in ay kasoo horudhacaan waxyeelada naf iyo maalka ah ee ka dhashay.

Baqdinta taagan balse aanan weli la xaqiijin ayaa ah in ay jiraan doonyo kalluumeysi oo xiliga uu dhul-gariirku dhacay oo ahayd fiidkii ay ku maqnaayeen jilaabasho.

Dhul-gariirku oo cabirkiisu ahaa 5.0 ayaa la sheegay in ay 171 KM ay dhanka Waqooyi-Galbeed uga beegan tahay magaaladda xeebta leh, taasi oo Garowe u jirta qiyaastii in ka badan 1555 KM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM