Kiisaska Coronavirus ee Puntland oo qarka u saaran in ay gaaraan 100

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiis cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 98 ayaa dhamaantooda jooga waxay ku sugan yihiin gobolka Nugaal, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga wacyi-gelinta.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay haatan qarka u saaran tahay 100, taas oo suurtagal ay tahay in saacadaha soo aadan ay buuxsanto.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, todoba kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, ruuxa kelana waa dumar.

Ma jirto dhimasho oo cudurka ka dhashay afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay. Geerida waxay ku taagan tahay afar, tirada bogsatay waxay noqotay saddex markii laba ay caafimaadeen.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM