Kobaca dhaqaalaha Puntland oo gaabis ah xili ay socdaan dadaalo

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Maaliyadda dowlada Puntland, Xasan Shire Cabdi [Abgaal] ayaa maanta oo Axad ah wuxuu hortegay Golaha Wakiilada.

Mr Abgaal ayaa horgeeyay baarlamaanka xisaab-xirka miisaaniyadii dowladda ee sanadkii 2018 si gaar ah mudada lixda bil ee ay jirto xukuumada cusub.

Warbixinta uu wasiirku gudbiyey ayaa kaliya xambaarsan dakhligii iyo kharashaadkii sanadkii 2018 iyo mashaariicdii Bankiga Adduunka fuliyey.

Balse waxaa miisaaniyaddan aanan lagu soo darin mashaariic kale oo uu kamid yahay midka horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Isaga oo sharaxaya sababta arrintan keentay ayaa laga soo xigtay "Ma aysan soo marin khasnadda wasaaradda Maaliyadda".

Is-dhin dhakhli

Sidda ku xusan warbixinta, miisaaniyadda waxaa ka muuqatay is-dhin dakhli, taasi oo ay sabab u tahay dagaaladii ay gashay Puntland iyo abaarihii dalka ku dhuftay.

Ku talogalka dakhliga dowladda dhexe ee sanadkii 2017-kii ayaa waxa uu ahaa 72,600 kun, sida ku suntay warbixinta.

Dakhliga dowladda ee soo xaroodey sanadkii 2018-kii ayay wasaaraddu sheegtay in uu dhamaa 56, 942,947 milyan.

Wasiir Abgaal ayaa qiray in is-dhinka dakhliga dowladda ee 2018-kii yy isna yahay 15, 657, 52 milyan, taasi oo u dhiganta 21.6%.

Dakhliga mashaariicda

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay in dakhliga mashaariicda ee sanadkii 2018-kii soo xaroodey ay tahay 11, 376,638 milyan.

Si lamid ah ku talogalka dakhliga ee loo qoondeeyay mashariicda ee 2018-kii ayaa wuxuu ahaa 21, 102, 196 milyan.

Is-dhinka dhinacaan ka jiray ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay gaareysaa 9,725,558 milyan, taasoo u dhigan tahay 46%.

Inaha dakhliga ee sida mugta leh isu dhimay waxaa kamid ahaa; dakhliga dekadaha, maxjarka, cashuuraha, dhoofinta xoolaha iyo Isgaarsiinta.

Kharashka dowladda

Ku talogalka kharashka dowladda ee sanadkii 2018-kii ayaa wuxuu ahaa 72,600 kun , sidda lagu cadeeyay warbixinta.

Karashka dowladda ee soo baxay sanadkii 2018-ii ayaa gaarayey 57, 330, 111 milyan oo dollar-ka Mareykanka.

Is-dhinka kharashka dowladda ee aan bixin sanadkaasi ayaa waxaa uu gaarayaa 15, 269, 888, taasi oo u dhiganta 21.03%.

Wax ka qabasho

"Inkasta oo laga cabir qaadan karo is-dhinka sanadkii hore ay muuqato in shaqo fiican la qabtey haddana inta ku talogalka Miisaaniyada hal shilin dhiman yahay waxaan u arkaa in [howl] aad u badan ay noo taalo," ayuu xusay wasiirka.

Mr Abgaal ayaa hadalkiisa raaciyey "Dadaalka kobcinta dakhliga waxaa ku sid-kanaa, tashiil qarash, kaasoo aan ku baajinay dhamaan karash-yadii la baajin karay ama la dhimi karay, annaga oo xooga saarney bixinta mushaharka ciidamada, shaqaalaha, agabka ciidamada iyo raashiinka.

Cabdixakiim Maxamed Axmed, afhayeenka Golaha Wakiilada dowlada Puntland ayaa ku tartarsiiyey mas'uuliyiinta Wasaarada in ay la yimaadaan qorsheyaal lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo kaabeyaashooda.

"Way ku mahad-san yihiin wasaarada warbixinta ay noosoo gudbiyeen laakiin weli waxaa muuqata in dhaqaalaha dalka soo galaya aanu ahayn heerkii la rabay, way fiican tahay in lagala shaqeeyo, balse iyagaa laga rabaa in ay la yimaadaan siyaasadii iyo qorshihii [lagu horumarin lahaa]," ayuu Mr Dhoobe Daareed yiri.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku takhasusay dhaqaalaha, ayaa tan iyo markii la doortey arrimaha ahmiyada uu siiyey waxaa kamid ahaa kobcinta dhaqaalaha Puntland, iyadda oo uu heshiisyo arrintaasi lagu xoojinayo uu lasoo galay dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Imaaraadka oo uu socdaalo ku kala bixiyey.

Sidoo kale shirkadda duulimaadka ee Itoobiya ayaa todobaadkan shaacisay in ay 15-ka Julaayo ay bilaabeyso howlgalkeeda Puntland kadib wada hadalo uu Deni lasoo galay madaxda shirkadaasi.

Shirka Maalgeshiga Puntland oo qeyb ka ah qorsheyaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha maamulkan ayaa la filayaa in dhowaan uu ka qabsoomo magaaladda Garowe kaasi oo xubno caalami ah ay kasoo muuqan doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM