Kolanyo galbineysay Deni oo lagu qarxiyey Boosaaso

Image
Garowe Online oo la hadlay illo wareedyo war-gal ah ayaa helay macluumaadyo muhiim ah.

BOOSAASO, Puntland - Qarax loo adeegsadey miinada meelaha fog laga hago, ayaa lala eegtay kolanyadda madaxwayanha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Dani xili sii galaysay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Mid ka mid ah baabuurta Ciidanka galbinayay kolonyada Madaxweynaha, ayay ku qaraxday miinadu. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay inay labo askari dhinteen, qaar kalena dhaawac uu soo gaarey, kuwaasoo la dhigay cisbitaalka magaaladda.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in gaariga miinada haleeshay uu horgale u ahaa gaari nooca aan xabadu karin, oo la socdeen ilaalada dhar-cadka ah, ee Madaxweyne Deni

"Gaariga ay miinadu haleeshay waxuu ahaa Cabdi-Bile, oo u dhaxeeyay Midka Madaxweynaha iyo mid bulletproof ah, oo saarnaa ilaalada dharcadka. Waxyeelo badan ma jirto oo soo gaarey Gaariga ilaalada dharcadka, oo aan ka ahayn burburka muraayadda dambe," ayuu yiri illo wareed.

Laba illo wareed kale oo la hadlay Garowe Online ayaa intaas ku daray in "maskaxdii ka dambeysay weerarkan ay xog-ogaal u ahayd qaabka ay u socoto kolanyadda madaxwayne Saciid C/llaahi Deni".

Laamaha ammaanka Puntland ayaa wali fahfaahin dhameystiran ka bixin qaraxan. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadan falkan.

Laba casho kahor, 19-kii Febraayo, laba oday dhaqameed ayaa ku dhintay, ku dhowaad 10 kalana ay way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ay ku qaliyeen gudaha magaaladda Boosaaso.

Isla bishan Febraayo, 10-keeda, saddex qof ayaa ku nafweyday qarax miino oo ka dhacay gudaha maqaaxi lagu qaliyo kuna taala gudaha magaalada Boosaaso. Falkaas waxaa sheegatay kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM