Koor oo ka tanaasuley xubinta degaanka Garowe

Image

July 31,2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa ka tanaasulay loolankii adkaa ee ugu jiray xubinimada gollaha deegaanka ee degmada Garowe.

Koor ayaa u tanaasulay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Geelle Shoodhe, oo ay markii hore isku haysteen xubinta gollaha deegaanka, taasoo khilaaf ka dhex abuurtay beesha ay kasoo jeedaan.

Ka tanaasulkan waxaa qayb muhiim ah ka qaatay Islaan Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse oo maalin kahor la wareegay xalka ugu dambeeya ee  ee loolanka labadaan mas’uul.

Axmed Shoodhe ayaa lagu wadaa inuu ku dhowaaqo murashaxnimadiisa gudoomiyaha gollaha deegaanka Garowe.

Tartanka gudoomiyaha degmada Garowe ayaa waxaa sidoo kale u tartamata xubno kale oo aan weli shaacin musharaxnimadooda.

Sidoo kalle, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa magacaabay guddiga xalinta khilaafka iyo ansixinta xubnaha gollaha deegaanka, waxaana gudoomiye u ah wasiirka arrimaha gudaha Punland Axmed Karaash.

Guddigaan oo ka kooban 5 xubnood waxay kala yihiin wasiirka arrimaha gudaha Axemd Karaash, Wasiirka amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiir ku xigeenka haweenka Farxiyo Maxamuud, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise iyo iskuduwaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Nugaal Ciise Xaaji Cabdulle.

Guddigaan ayaa muddo saddex cisho gudaheed kusoo dhisidoona gollaha deegaanka ee degmada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM