Kordhinta dhaqaalaha Puntland oo la dardargelinayo

Image
Image
Image
Image
Shir looga hadlayo arrimo ay qadiyadan ku jirto ayaa maanta ka bilowday caasimadda Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowladda Puntland.

Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo Kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, waxaana ka qeybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. 

Dowladda Puntland ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka maaliyadda, waxaana lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyay oo lagu fuliyo dhismaha Wadooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda horumarin.

Dhanka kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan. 

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022. 

Deni ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo Guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo Doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM