Kulamadii golayaasha xukumadaha Soomaaliya iyo Puntland ku qabsan lahaayeen Garoowe

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacaya kulamo ay yeelan doonaan golayaasha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliaya iyo Puntland.

Sida warsidaha Garowe Online ka helayo ilo xogogaal ah Ra’isal wasaraha Soomaaliya oo ku sugan magalada Garowe ayaa waxaa uu si gooni ah u shir gudoomin doonaa kulanka golaha xukuumada dowlada Federaalka ku yeelan doonaan maanta oo khamiis ah magaalada Garowe halka Madaxweyne Gaas golihiisa Wasiirada sidii caadiga aheyd meel gaar ah isugu imaan doonaan.

” Anigu Waxaan yeelaneynaa kulankeenii Khamiisla ahaa, waxaana laga yabaa inta aan shirka ku jirno in aan u yeerano xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya kaga jira Puntland.” Sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan golaha Wasiirada Puntland oo magaciisa ka gaabsadey.

Wararka ayaa sheegaya iney suurtagal tahay markii labada gole shirarkooda kala goonida ah dhameyataan kulan guud wada doonaan.

” Waa suurtagal in kulan guud aan isugu nimaadno mar dambe labada gole wasiiro hadii kulanka aan la qaadaneyno xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya kaga jira Puntland la isku afgarto.” Intaas waxa hadalkisa sii raacsadey Wasiir ka tirsan xukuumada Puntalnd oo la hadlay GO.

Ra’isal wasaraha Soomaaliya oo weli ku sugan magalada Garowe ayaa suurtagal tahay in maanta galinka dambe ka ambabaxo caasimada Puntland halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmihii lasoo dhaafey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM