​Kulan Tayaynta Shaqaalaha DowladdaPuntland ku saabsan oo Garowe ka dhacay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe lagu qabtay kulan wadatashi ah oo ku saabsan mashruuca lagu tayaynayo shaqaalaha dowladda Puntland ee uu taageerayo Bangiga Adduunka.

Shirka oo hal maalin socoday ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland,  Shaqada, waxaana lagu soo bandhigay dirasat iyo qiimeeyn lagu sameeyay 8 ka mid ah Wasaaradaha iyo Ha’adaha Dowldada Puntland ee mashruucan ka faa’idaysanaya.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha Madaxtooyada, madaxa Mashruuca Tayaynta Mudane Alex Appiah Koranteng, Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dowladda, Agaasimaha hay'adda Shaqaalaha Rayidka  iyo xubno ka kala socday hay'adaha iyo wasaaradaha ka faa'iidaysanaya mashruucan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay islamarkaana looga doodayay warbixin ku saabsan barnaamijka dib u casriyaynta qeyba ka mid ah Wasaaradaha  Dowladda Puntland oo uu soo diyaariyay khabiir ku takhasusay tayaynta shaqaalaha rayidka.

Madaxa mashruucan ee kasocday Bangiga Aduunka oo lagu magacaabo Alex Appiah , ayaa faah faahin ka bixiyay barnaamijkan iyo sida uu u socdo, wuxuuna sheegay in u jeedadiisu tahay sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo ka howl gala hay'addaha Barnaamijkan ka faa'iidaysanaya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha Siciid Xuseen Cali iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka Bangiga dowladda Maxamed Siciid Hogaamo, ayaa sheegay in mashruucan faa'iido weyn laga helay iyagoo xusay in lagu soo aadiyay dad aqoon lagu soo xulay oo wax ka badalay shaqada ay shacabka u hayaan.

Agaasimaha Madaxtooyada  dowladda Puntland Deeq Saleebaan Yusuf ayaa warbixin kooban ka bixiyay marxaladihii uu soo maray mashruucan, meesha uu hada marayo iyo isbadalka la taaban karo ee uu maschruucan sameeyay. Guddoomiyaha hay'adda Shaqaalaha rayidka  Mustafe Siciid Shabac, ayaa  tilmaamay in barnaamijkan hirgalintiisa howl adag laga soo maray waxuuna xusay in dadka la qaatay ku yimaadeen aqoontooda.

Wasiirka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, ayaa xusay inay samayn doonaan barnaamij ballaaran oo lagu hubinayo shaqaalaha ka shaqeeya hay'adaha dowladda, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii gacanta ka gaysatay barnaamijka tayaynta shaqaalaha dowladda isagoo sheegay inuu yahay qorshe wax ka badalay habkii loo shaqayn jiray iyo nidaamkii shaqaalaha lagu qaadanayay.

Shirkan ayaa yimid xilli muddooyinkii dambe socdeen imtixaano iyo tababar loo samaynayay shaqaale cusub oo lagu qaatay mashruucan uu taageerayo Bangiga Adduunka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM