Kulan u bilaabanaya Madaxweynaha Puntland iyo beesha Cali Saleebaan

Image

GAROWE- Waxaa maanta magaalada Garowe ka bilaabanaya kulan balaaran ee u dhexeeya Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo guddi garaaya 16 xubnood oo ka socda beesha Cali Saleebaan kaasoo dhexdhexadainayaan culimada Puntland.

Kulankaan oo lagu qaban doono xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa warsidaha GO ogeyn cidda ku we helin doonta dhexdhexaadintaan u dhexeeya xukuumada Madaxweyne Gaas iyo beesha Cali Saleebaan.

Guddiga ka socda Cali Saleebaan ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan in aysan wehelin siyaasiyiinta iyo isimada beeshaan balse ay ka kooban yihiin nabadoono laga soo xuley qaybaha kala duwan ee qabiiladaan.

Kulankaan oo garwadeen ay ka ahaayeen culimada Puntland ayaa dib u dhacey ilaa bisha 27 July,2016 kadib markii Madaxweynaha ka cududaratey balantii aheyd inuusan Imaan karin 14 July,2016.

Talaabada cabashada beesha ayaa timid kadib markii Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri ciidamo uu wato oo ka tirsan beeshiisa soo galeen Degmada Carmo oo ka tirsan gobolka Barri.

Xukuumada Puntland ayaa ku sheegtey gudoomiyah ciidamadiisa xiriir la leeyihiin burcad badeed iyo ururada xag jirka ah halka beeshiisu aaminsan tahay inuu tarjumeyso talaabadaan cabasho qabiilada Cali Saleebaan ka qabaan xukuumada Madaxweyne Gaas.

Wararka la xiriira kulankaan kala soco Garowe Online 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM