Kulanka golaha xukuumada Puntland oo qabsoomin muddo bil ah

Image

Khamiis Sept 10, 2015 (GO)- Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa Khamiista Shanaad baaqdey kasoo madaxweynaha dowalada Puntland iyo ku-xigeenkisa midna uusan ku qaban magaalada madaxda Garowe iyo Galkacayo halkasoo labada mas'uul ku kala sugan yihiin.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland xaawiley dhowr jeer in shirkaas qabsoomi balse uu buuxsami waayey kooramkii loogu talagaley.

Maanta oo Khamaiis ah ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland markale ku guuldareystey in golaha wasiirada isku keeno isagoo aad uga xumaadey kadib markii khamiista Shanaad koramkii buuxsami waayey.

Wasiir ku-xigeen diidey magaciisa oo la hadley warsidaha Garowe Online ayaa sheegey in madaxweynaha Puntland uusan ku amrin wasiiradiisa in kulankooda Khamiis lahaa la qabto si looga hadlo howlaha kale ee dalka ka jira.

"Madaxweynaha Puntland ma jecla in golohu kulmo xiliga uu ka maqan yahay magaalo madaxda sababtoo ah waa marka kaliya oo wasiiradu kaga hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka jira" sidaas waxaa Garowe Online u sheegey wasiir ku-xigeen ka tirsan xukuumada Gaas oo diidey in magaciisa xusno.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan xukuumada oo diidey magaciisa ayaa Garowe online u sheegey in sababta shirkaan u qabsoomi waayey ka markhaati kaceyso  in xukuumada madaxweyne Gaas dan weyn ka laheyn shaqooyinka kale ee dalka ka tagaan kuwasoo isugu jira amni iyo kuwo kale.

Waa markii ugu horeysay tariikhda Puntland ee madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo ku sugan dalka gudihiisa uusan qabsoomin shirka golaha xukuumada kasoo lagaga hadlo asbuuc walba howlaha dalka horyaala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM