Laascaanood oo la sheegay in ay ka dhaceen "danbiyo dagaal"

Image

GAROWE, Puntland - Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ay ku midaysan yihiin (PUNSAA) ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxaa ay kaga dayrisay xaalada shacabka Laascaanood.

PUNSAA ayaa waxay daaha ka rogtey in 21 qof la dilay, 100 ka badan ay dhaawac yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin xaalad bini'aadannimo oo adag.

Baaris ay samaysay ''PUNSAA'' ayay tibaaxdey in ay ku ogaadeen in ciidamadu ay laayeen dad shacab ah ayna u dhaqmeen "si ka baxsan diinta, dhaqanka iyo xeerarka caalamiga ah".

Ciidamada Somaliland ay ugu baaqdey dalladu in ay ixtiraamaan doonista dadka ayna shacabka Laascaanood yihiin cidda kaliya ee xaq u leh in ay ka go'aan gaaraan mustaqbalkooda.

Xaaladda Laascaanood ayay ka digtay in ay ka dhalato colaad ku baahda gobalka, waxaana ay hoosta ka xariiqdey in dilka rayidku uu horseedi karo dhibaatooyin hor-leh.

Shalay ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka maamulka Somaliland ay hor istaageen dhaawacyo dad rayid ah oo loo soo waday Garowe.

Balse ''PUNSAA'' ayaa ku adkaysay baaqa ah in dhaawacyadu helaan daryeel caafimaad, isla markaana loo fududeeyo hay'adaha caafimaadku in ay gaaraan dadka.

Hay'addaha gargaarka ayay ugu baaqday in ay il gaar ah ku hayaan xaalada dadka danyarta ah maadaama oo muddo todobaad ah uu xiran yahay ganacsiga iyo isku-socodka xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM