Laba madaxweyne ma laga dooran doona Puntland 8-da January?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe ku yeeshay Shirweyne xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan: Doorashada 8-da Januray 2024, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, iyo qaabka oo u maareynayo doorashada Madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya Saciid Deni.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin u sharaxan xilka Madaxtinimada maadaama la galay waqtigii ololaha, isla markaana uu soo dhawaaday waqtigii loo cayimay doorashada, xilli ay soo ifbaxday kala qeybsanaan baahsan oo u dhaxeysa dhinacyada siyaasadda ee ay kala matalaan maamulka hadda jira iyo mucaaradka.

Kala aragti-duwanaashada siyaasadeed ayaa lagu soo koobi karaa: Wax ka bedelka dastuurka ee ay ansixiyeen baarlamaanka ka dib cadaadis kaga yimid madaxweyne Deni, iska horimaadyada soo noqnoqda, muddo korhin, iyo xaddidaadda joogtada ah ee la kulmaan mucaaradka.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Boosaaso ayaa soo badhigay cabsi hor leh ay hore u qabeen garabka mucaaradka, waxayna sidoo kale sawir guud ka bixisay doorashada uu doonayo Deni inoo qabto, sida ay sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta.

Qaladaadka siyaasadeed, ku adkaysiga go’aanada qaldan, iyo burburinta guulaha siyaasadeed ay Puntland ku tilaabsatay ayaa ah qodobada ugu cad cad ee ay siyaasiyiintu ku dhaleeceynayaan madaxweynaha hadda talada haya.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale doonaya in ay Puntland ka soo saaraan xayndaabkii qalalaasaha ahaa oo ay ku soo dabaalaan xassilooni siyaasadeed iyo mid bulsho, maadaama ay aaminsan yihiin in siyaasadda Deni ay kala qeybsanaan ka dhax abuurtay shacabka Puntland.

Haddaba, iyadoo dadka indha-indheeyaya arrimaha siyaasadda ay sugayaan waxa ka soo bixi doona shirkan, ayaa su’aasha ugu cad cad waxay tahay: Waa maxay tillaabooyinka mustaqbalka ay qaadi doonaan mucaaradka? Laba madaxweyne ma laga dooran doona Puntland 8-da January?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay Madaxweynaha Puntland [Sawirro]

Shiinaha ayaa saameyn ku yeelanayay sanadihii dambe dalka Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Taiwan.

  • Puntland

    08-01-2025

  • 11:24AM

Puntland oo beenisay in ay cagaf-cagaf ka heshay dowladda federaalka

Tani ayaa waxay muujineysaa in mashruucan lagu marin-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

  • Puntland

    07-01-2025

  • 06:32AM